Monikielinen kirjasto – kirjallisuutta sinun kielelläsi, esittely somaliksi

CC-painikkeen ollessa näkyvissä, voit valita itse tekstityksen.

Maktabadda luuqadaha badan – suugaan luqaddaada ku qoran

Maktabadda luuqadaha badan waa maktabaddaada, meel kasta oo aad kaga nooshahay Finland. Ururiska Maktabada luuqadaha badan ee maktabada Pasila ee Helsinki waxay ka koobantahay waxyaabo ku qoran in ka badan 80 luqadood oo loogu talagalay carruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweynba. Intaas waxaa sii dheer, waxaa la heli karaa heeso, filimaan, joornaallo, buugaag maqal ah iyo buugaag elektaroonig ah. Waxaad aadi kartaa maktabada deegaankaaga oo aad weydiisan kartaa shaqaalaha inay kuu dalbaan waxa aad u baahan tahay.
Maktabadda luuqadaha badan waxay ku siinaysaa fursad aad ku aqriso suugaanta afkaaga hooyo. Maktabaddu waxay rabtaa inay gacan ka geysato badbaadinta afafka hooyo ee dadka ku hadla afafka qalaad ee ku nool Finland. Hawsha Maktabadda luuqadaha badan waa in la taageero adeegyada maktabadda ee dadka ku hadla afafka qalaad ee ku nool Finland, in xidhiidh lala yeesho ururada iskaashatooyinka gudaha iyo dibaddaba, in la bixiyo macluumaad iyo talo iyo in la helo qalab si wada jir ah loogu isticmaalo luqadaha ku yar Finland oo ay ku hadlaan dad tiro yar ee dalka.
Sannadkii 1995, Maktabadda Caasimadda Helsinki waxaa loo xilsaaray hawsha Wasaaradda Waxbarashada iyo Dhaqanka inay u noqoto Maktabadda Luuqadaha Badan ee Finland. Maktabadda luuqadaha badan waxaa maalgeliya Wasaaradda Waxbarashada iyo Dhaqanka.

Macluumaad dheeraad ah:
Bogagga maktabadda luuqadaha badan ee Helmet.fi (af Ingiriis)
Bogagga maktabadda luuqadaha badan ee Libraries.fi (af Finnish)
Bogga facebook ee Maktabada luuqadaha badan
Fiidyowyo dheeri ah oo kusaabsan Maktabada luuqadaha badan

Fiidiyow: Maktabada luuqadaha badan iyo DigiPeople Oy.

Jakaminen ja upotuskoodi

Videon oikean yläkulman -kuvakkeesta löydät painikkeet videon jakamiseen sekä embed-koodin . Kun kopiot ja liität koodin sivuillesi, saat videon näkymään siellä.
Lisätietoja
CC BY-NC-S

Tagit

Kommentoi